Skip to main content

Tilmaamaha Casriga Ah Ee Tamarta

Smart Energy TipsDadka reer Ohio ee gasha in ka badan $2,000 oo kamid ah miisaaniyad sanadeedkooda qarashaadka korontada iyo gaaska dabiiciga ah, raadinayana qaabab hoos loogu dhigaayo qarashaadkaas tamarta ayaa ah wax u qalma in la maalgeliyo. Waxaa jira meelo badan oo guriga kamid ah oo u baahan hormarin si loo yareeyo tamarta ku baxaysa kululaynta, qaboojinta, nalalka, cunto karinta, iyo shaqada agabka kale ee korontada halkaasoo ah meesha 75 boqolkiiba lacagta tamartu ku baxdo.

Ayagoo adeegsanaaya qaybo kamid ah tilmaamahaan casriga ah ee tamarta, qoyska caadiga ah ayaa yarayn kara qarashaadka uga baxa tamarta iyo biyaha badbaadsana kara ilaa 30 boqolkiiba sanad kasta oo kamid ah qarashaadka uga baxa korontada, gaaska dabiiciga ah, iyo biyaha.

Kaydinta tamarta ku baxda qol kasta

Xafiiska Ohio Consumers’ Counsel (OCC) ayaa abuuray dhawr tilmaamood ood u adeegsan karto inay kaa caawiyaan tashiilida tamarta gurigaaga laga isticmaalo. Laga bilaabo hormarino fudud, oon wax qarash kaaga baxayn ilaa mashruucyada mudada dheer ee kaydinta tamarta, tilmaamahaan ayaa awooda inay kaa caawiyaan maaraynta qarashaadka kaaga baxaaya tamarta.

Qolka Fadhiga/Qoyska

Kaydinnada Fudud

  • Yaree adeegsiga goobta dabka. Illaa in gaadhaysa 14-30 boqolkiiba hawada kulul ama qaboow ayaa ka bixi karta foormada hawada ka qaada guriga. Xaqiiji in hoolka dabku xiran yahay ilaa in dab shidan yahay maahee. Haddii foornada aan waligeed la isticmaalin, xir kadibna awd foormada.
  • Adeegso daahyada si aad ula socoto heelkulka guriga sanadka oo dhan. Xiliga qaboobaha, daahyada ayaa loo adeegsan karaa in la yareeyo qaboowga kasoo galaaya daaqadaha. Xiliga xagaaga, waxaa loo adeegsan karaa in lagu awdo iftiinka iyo kulaylka marka la joogo bartamaha maalintii.
  • Ka fogee waxyaabaha dabka soo saaraaya, sida taleefishinka, aalada heerkulka cabirta. Aalada sheegta heerkulka ayaa soo qaban karta kulaylka ka imaanaaya agabkan elektarooniga ah waxayna dhibaato ku noqon kartaa joogtaynta heerkul raaxo leh gudaha guriga. Tan ayaa sidoo kale keeni karta in qarashka tamartu kordho.
  • Adeegso marwaxadaha qaybta sare ee guriga si ay kaaga caawiyaan babinta hawada kulul ama qaboow si waxtar leh. Xiliga xagaaga, marwaxadu ha u socoto dhanka bidix si aad ugu qasabto inay qaboojiso hawada. Xiliga qaboobaha, marwaxadu ha socoto dhanka midig si ay hawada qabaw kor ugu kaxayso hawada diirana hoos ugu kaxayso. Marwaxadaha bogoska ku jira ayaa sidoo kale ku haboon babinta hawo qaboow. Markaad hawada babiso, waxaad wax ka beddeli kartaa cabirka heerkulka 5 digrii waxaadna heli kartaa raaxo isla heerkii la rabay ah.

Maal-gelin Yar

  • Dhigo guriga aalada heerkulka oo la maamuli karo. Aalada heerkulka la maamuli karo oo si sax ah loo rakibay ayaa u badbaadin karta mulkiileyaasha guryaha illaa in gaadhaysa 10% sanad kasta haddii ay ku joogteeyaan rakibaadaas sida ay sheegtay US Department of Energy (Waaxda Tamarta ee Maraykanka).
  • U adeegso qaybiso casri ah si aad korontada ugu xariiriso aaladaha elektarooniga ah. Qaybisooyinkaan, oo qiimahoodu yahay ku dhawaad $20-$40, ayaa u sahlaaya macaamiisha inay damiyaan agabka elektarooniga ah ee ay xushaan gabi ahaanba, ayagoo iska ilaalinaaya tamarta khasaarta. Adeegsiga qaybiso caadi ah ayaa sidoo kale ah qaab aad ku damin karto aalado badan oo elektaroonig ah si aad u badbaadiso tamarta. Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan korontada cidlada ku baxda, akhri xaashida xogta ee OCC oo loogu yeero, "Xog badan ka Ogoow Tamarta Khasaarta."

Jikada

Kaydinnada Fudud

  • Si wanaagsan u isticmaal marwaxadaha hawada ee jikada. Keliya saacad gudaheed, marwaxadahaan ayaa hawo ku fidin kara guriga oo dhan.
  • Markay macquul tahay, adeegso mikroo-weef halkii aad ka isticmaali lahayd ofenka si aad u kululayso cuntooyinka yaryar.
  • Marka aad wax dubayso, ka dhig waqtiga dabku shidnaanaayo kahor intaadan wax karin mid yar. Adeegso digsiga ugu yar ee macquulka ah si aad ugu adeegsato tamar yar wax karinta. Yaree inta jeer ee aad furayso albaabka ofenka maadaama aad dab luminayso markasta oo aad furto. Haddii aad doonayso inaad gudaha fiiriso intaad wax karinayso, iskuday inaad nadiifiso albaabka ofenka kahor intaadan dabka ku shidin. Si aad usii yarayso mudada wax karinta, adeegso dhalo ama bacda wax lagu kariyo halkii aad ka adeegsan lahayd sheey bir ah maadaama ay dabka u gudbiyaan si ka badan kuwa kale.
  • Ku dabool aashuunnada iyo digsiyada dabool si aad u huuriso kuleylka aadna u yarayso waqtiga cuntadu karsamayso.
  • Ka fogee talaagadaada ama qaboojiyaha iftiinka qoraxda ama hawada kulul (kuukarka, mashiinka weelasha dhaqa, kululeeyaasha, iwm.) si aan agabka korontada ku shaqeeya u adeegsan wax ka badan tamarta caadiga ah si ay u qaboobaan.
  • Xir albaabada talaagadaada iyo qaboojiyahaaga markasta oo ay suuragalayso. Ka bixi cunto kasta oo aan loo baahnayn sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah si aad ugu sahasho in hawo qaboow si furan u wareegto. Sidoo kale nadiifi dab xariiriyaasha talaagada, maadaama xariiriyaal wasaq ah ay yaraynayaan tashiilida korontada wax qaboojinaysa.
  • Mashiinada casriga ah ee weelasha dhaqa ayaa la xaqiijiyay inay isticmaalaan biyo kayar intaad isticmaasho markaad weelasha ku dhaqdo gacantaada. Si aad u kaydiso tamar dheeraad ah, fur albaabka mashiinka weelasha dhaqa kadib markaad dhaqmaha dhamayso una ogoloow in weelasha kulul hawadu qalajiso.

Qorshaynta tamarta ee mudada dheer

  • Ku badal agabka korontada ee jikada ee baaliga ah naqshadaha cusub ee la qiimeeyey ee Energy Star. Mashiinnada weelasha dhaqa ee tamarta tashiila ayaa kuu badbaadin kara in ka badan $35 sanad kasta oo kamid ah qarashaadka korontada halka talaagadaha Energy Star ay adeegsadaan 20 boqolkiiba tamar kayar talaagadaha kale.

Musqusha

showerheadKaydinnada Fudud

  • Ku xiro madaxa shaawaarka iyo tuubooyinka biyaha oo tashiilaaya biyaha. Kululaynta biyaha ayaa cunta ku dhawaad 18 boqolkiiba biilka tamarta kaaga baxa.
  • Inta lagu jiro xiliga qaboobaha, u ogoloow in hawada diiran ee ka imaanaysa shaawarka inay gasho qaybaha kale ee guriga. Huurka hawada ayaa ku siin karta diiranaan.
  • Iska ilaali inaad biyaha furto intaad cadayanayso. Waxaad khasaarin kartaa ilaa 7.5 galaan oo biyo ah marka aad cadanayso muddo sadex daqiiqo ah.
  • Haddii aad adeegsato buraashka cadayga oo koronto ku shaqeeya ama agabka kale ee korontada ku shaqeeya ee musqusha, keliya geli korontada marka aad u baahato. Inaad uga tagto ayagoo ku xariirsan ayaa wali cunaysa koronto, xataa haddii aad damiso.
  • U adeegso marwaxadaha hawada sifeeya ee musqusha si tashiilan. Marwaxadahaan ayaa si ku meel gaar ah u saari kara huurka inta lagu jiro iyo kadib qubayska. Isticmaalka xad dhaafka ah ee marwaxadaha ayaa hawada kulul ama qaboow ka saari kara guriga kadibna khasaarin kara korontada.

Maal-gelin Yar

  • Si sax ah u dayactir meelaha dilaaca. Tuubooyinka dilaaca ee biyuhu ka dhibcayaan halkii sikin ba waxay khasaarin kartaa 3,000 oo galaan oo biyo ah sanad kasta. Musqul tuubadeedu dilaacday ayaa khasaarin karta 200 oo galaan oo biyo ah maalin kasta.

Qorshaynta tamarta ee mudada dheer

  • Dayactir ku samee tuubooyinka biyaha daadinaaya si aad u yarayso khasaarinta biyaha.
  • Ku badel fadhiga baaliyoobay ee musqusha nooca tashiilida badan ee heerka WaterSense. Fadhiga baaliga ah ee musqusha ayaa isticmaali kara ilaa todobo galaan oo biyo ah si loogu falaasho. Noocyada heerka WaterSense ah ayaa 20 boqolkiiba ka tashiilid badan heerka federaalka kaasoo hadda qasab ka dhigaaya inaan fadhiyada musqushu isticmaalin wax ka badan 1.6 galaan halkii falaash ba.

Qolka jiifka

Kaydinnada Fudud

  • Fur dhammaan shabaqyada kulaylka, agabka hawada, iyo meelaha hawadu kaga soo noqonayso qolka.
  • Xir dhammaan duleelada ku dhagan darbiga ayna ku jiraan damiyaasha nalalka, sokedyada korontada, iyo daaqadaha si aad uga celiso in hawadu ka baxdo ama soo gasho qolka.
  • Haddii hawo qaboojiyaha daaqada la adeegsado, dami ama yaree sitinnada marka aad ka baxayso qolka.
  • Nadiifi shabaqyada hawada, kululeeyaasha hoose, iyo hageyaasha nalalka.
  • Marka aadan isticmaalayn, ka bixi jaajarka taleefankaaga sokedka.

Qolka sare/Qolka hoose/Qolka Adeegyada Guriga

Kaydinnada Fudud

  • Keliya shid mashiinka wax dhaqa oo ay dhar ka buuxaan si aad u kordhiso tashiilida korontada.
  • Dhaq dharka ugu badan ee macquulka ah adoo adeegsanaaya biyo qaboow ama diiran, halkii aad adeegsan lahayd biyo kulul.
  • Dhar xad dhaaf ah ha gelin qalajiyaha. Tani waxay u sahlaysaa hawada diiran inay ku wareegaysato ayna qalajiso dharka.
  • Badel ama sifee shabaqa foornada sida ay ku talinayso shirkada foornada samaysay. Shabaqyada qaar waa in la badalaa ama la nadiifiyaa bil kasta si loo xaqiijiyo in hawadu ka baxayso foornaduna si sax ah u shaqaynayso.
  • Ka dhig heerkulka kulaylka biyaha 120 digirii. Heerkullada intaas ka badan ayaa keeni kara kulayl dheeraad ah oo ka baxa taangiga.
  • Ku duub biyo kululeeyaasha baaliga ah buste tamarta u celinaaya. Buste waa sheey raqiis ah wuxuuna kaydin karaa inta u dhexaysa
  • 10-40 boqolkiiba qarashka ku baxa kululaynta biyaha. Ha ku duubin buste biyo kululeeye shaqaynaayay wax ka yar shan sano maadaama uu leeyahay dahaar ku filan in buste lagu duubana ay keeni karto in taangigu kulayl saa'id ah yeesho.
  • Sifee biyo kululeeyaha 6-12 kii biloodba mar si aad uga saarto walxaha caqabada ku noqon kara isku socodka kulaylka.
  • Dahaadh u samee tuubooyinka biyaha si aad u yarayso tamarta khasaaraysa. Afka tuubooyinka ka samaysan walxaha fudud ayaa kordhin kara heerkulka biyaha 2-4 digrii taasoo sahlaysa in la yareeyo heerkulka biyo kululeeyaha.

Maal-gelin Yar

  • Codso in xirfadyahan kuu yimaado uuna kuu dejiyo uuna kormeero hawo qaboojiyahaaga iyo foornadaada halmar sanadkii.
  • Xakamee qoyaanka ka jira qolkaaga hoose iyo aagaga banaan. Xakamaynta qoyaanka ayaa ah qayb muhiim ah oo kor loogu qaado tashiilida tamarta. Xakameeyaasha uumiga, sida rinjiga aan biyugu ka gudbi karin oo la mariyo darbida iyo gogol balaastig ah oo la dhigo meelaha hoose ee banaan, ayaa gacan ka gaysan karta xakamaynta qoyaanka.
  • Ku rakib difaaca ifitiinka. Ayadoo badanaa lagu xiro hoolalka saqafka ka hooseeya, difaaca iftiinka ayaa gacan ka gaysan kara inuu yareeyo kulaylka xagaaga iyo luminta kulaylka xiliga qaboobaha asagoo dib u celinaaya kulaylka ku dhacaaya. La tasho xirfadle si loo go'aansho haddii difaaca qoraxda uu ku haboon yahay gurigaaga.

Qorshaynta tamarta ee mudada dheer

  • Kudar dahaar hoolkaaga iyo meelaha hawadu kasoo galayso goobaha aan kulaylka lahayn. Kala tasho xirfadle mashruucyada dahaaridda ee waawayn. Waaxda Tamarka Maraykanka ayaa ku talinaysa in xajmiga dahaarka laga dhigo R38 goobaha hoolka ee saqafka ka hooseeya, R13 darbiyada iyo R25 marka la dhigaayo sagxada guryaha Ohio. Cabirka R wuxuu sheegayaa awooda dahaarka ee kahortaga kulaylka. Inta inji ee loo baahan yahay si loo gaaro cabirka R ayaa ku xiran nooca dahaarka la adeegsanaayo.
  • Marka aad badelayso biyo kululeeyaha, iskuday inaad adeegsato nooc tamarta tashiilaaya. Naqshadaha Energy Star ayaa kaydin kara $30 sanad kasta oo bixi jirtay qarashaadka gaaska dabiiciga ah.
  • Badelida mashiinka baaliyoobay ee dharka dhaqa aadna ku badesho naqshada Energy Star. Naqshadahaan waxay adeegsadaan sadex meelood hal meel tamar ka yar noocyadii hore waxayna badbaadin karaan in ka badan 35 boqolkiiba qarashaadka ku baxa biyaha.
  • Marka aad badelayso foorno, raadi naqshadaha leh qiimeynta tashiilida shidaalka sanad kasta oo dhan 85 iyo 90 boqolkiiba ama ka badan. Naqshadahaan ayaa ilaa 15 boqolkiiba ka tashiilid badan kuwa kale. Xasuusnoow in xajmiga foornada uu ku habboonaado meesha kulaylka la siinaayo. Qayb aad u wayn ayaa lacag badan lagu iibiyaa wuxuuna kordhinayaa qarashka kulaylinta ku baxa waayo waxay u badan tahay inuu marar badan shidmo uuna damo.

Dhammaan qolalka

Kaydinnada Fudud

  • Kudar huur qolalka xiliga qaboobaha adoo samaysanaaya geedaha guriga. Hawada huurka ah ayaa diiranaan leh waxayna kaa caawinaysaa yaraynta qaboowga iyo qalaylka jidhka ee xiliga qaboobaha.
  • Macaamiisha daaqadahoodu baaliga yihiin ayaa adeegsan kara kiishadaha dahaarka ah xiliga qaboobaha si ay ugu abuurto daaqado dugsi leh oo ku meel gaar ah.
  • Markasta dami nalalka marka aanad isticmaalayn. Iskuday inaad kuxirto aaladaha waqtiga u qabta ama dareema dadka qolka ku jira si aad u yarayso inta jeer ee nalalku shidan yihiin.
  • Baro noocyada alaabaha gurigaaga yaala ee korontada khasaariya. Agabka sida kumbuyuutarada iyo elektaroonigyada kale ayaa wali sii wada inay isticmaalaan koronto xataa haddii la dansho. Geli jaajarka agabkaan qaybisada korontada kadibna dami batoonka qaybisada si aad u baabi'iso dabaka ay khasaarinayaan ayagoo dansan. Ka fiiri xaashida xogta ee OCC ee korontada khasaarta si aad u hesho xog dheeraad ah.
  • Xaqiiji in dhammaan daaqaduhu xiran yihiin kahor intaadan daarin hawo kuleyliyaha ama qaboojiyaha.

Maal-gelin Yar

  • led lightbulbKu rakib daaqadaha dugsoonka ah daaqadaha khafiifka ah ee hore u jirey. Kani waa dookh raqiis ah, laakiin waxtar leh, ood ku badeli karto daaqadaha.
  • Ku dhaji dahaarka yaraynaaya gudbida hawada daaqadaha u jeeda dhanka koonfureed. Dahaarkaan wuxu yaraynayaa kulaylka soo galaaya guriga.
  • Ku badal laambadaha caadiga ah e nalka laambado ku shaqeeya LED. LED yadu waxay adeegsadaan 75-80 boqolkiiba tamar kayar kuwa caadiga ah waxayna sii shaqeeyaan 10 jibaar in kabadan kuwa kale. Ku badalida 10 ah nalalka caadiga ah ee cuna koronto dhan 60-watt kuwaasoo la isticmaalo lix saac maalin kasta aadna ku badesho nalalka LED yada ee 9-watt ka cuna ayaa badbaadin karta in ka badan $130 sanad kasta oo qarashka korontada ah.
  • Iskuday inaad mariso riinji cad darbida iyo safiitada, iyo mutuleel cad si ay kaaga caawiyaan yaraynta cadadka nalka aad u baahan tahay.

Banaanka

Kaydinnada Fudud

  • Kuxir nalka banaanka qalabka waqtiga leh ama dareema dhaqdhaqaaqa. Nalalka banaanka ayaa inta badan shidan saacadaha ugu badan ee nalalka qoyska.

Maal-gelin Yar

  • Codso in xirfadle dejiyo hawo qaboojiyahaaga banaanka ama bamka kulaylka ugu yaraan halmar sanadkii.
  • Guriga ku xiro mija-roorka roobka. Isticmaalka biyaha ee xiliga kulaylaha ayaa labo jibaarmi karta sabab la xariirta waraabinta cawska iyo beeraha. Mija-roorka roobka ayaa kaydin kara boqolaal galaan oo biyo ah sanad kasta iyo qarashka tamarta ku bixi lahayd. Waydii fidinta degmadaada ama ciida degmadaada iyo deegaanka biyaha si aad u hesho xog dheeraad ah.
  • Nalka soolarka ayaa badel u noqon kara nalka korontada aad ku xiri lahayd banaankaaga. Asagoo jaajar qaadanaaya maalintii, nalalka soolarka ayaa lahaan kara dareemayaasha iftiinka kuwaasoo shidmaaya marka habaynkii la gaaro. Baytariga jaajarka qaata ayaa awooda inuu nal baxsho 10 saacadood ayadoon wax qarash kale oo koronto kugu socon.

Qorshaynta tamarta ee mudada dheer

  • Haddii aad hormarin ku samaynayso dusha sare ee guriga (tusaale, saqafka, geesaha) adeegso agab midab cad leh si ay kaaga caawiyaan dib u celinta kulaylka. Saqaf midab cad leh ayaa kaydin kara ilaa 10 boqolkiiba qarashaadka ku baxa qaboojinta guriga sanadkii.
  • Dahaar oo difaac hawo u samee albaabka ganjeelka. Ganjeelku waa meesha ugu wayn ee aan dahaarka lahayn ee guriga. Haddii uu ku xiran yahay guriga, foornada ama hawo qaboojiyaha ayaa samayn doona shaqo ka badan intii la rabay si uu u kululeeyo ama u qaboojiyo guriga. Badalida qaybisooyinka korontada iyo dahaarida albaabka ganjeelka ayaa kordhin kara tashiilida tamarta.
     

 

To download: Click the folder with a down arrow icon. To print: Click the printer icon in the top right of the display.

If you need multiple copies for an organization or group, please contact a member of our outreach team.