Skip to main content

Rakibida Adeegga Korontada & Gaaska Dabiiciga Ah

Establishing Electric and Natural Gas ServiceMacaamiisha korontada iyo gaaska dabiiciga ah ayaa xaq u leh adeeg koronto oo qiimo jaban, tayadiisuna sarayso. Xaashidan xogta oo kasoo baxday Xafiiska Ohio Consumers’ Counsel (OCC), u doodaha macaamiisha korontada guryaha la dagan yahay, ayaa macaamiisha siinaaya xog ku aadan sida loo rakibto adeegyada korontada iyo gaaska dabiiciga ah.

Bilaabida Adeegga

Si aad u rakibato adeegga tamarta, la xariir shirkadaada tamarta. Mulkiilaha gurigaaga, shirkada guryaha, ama qofka kaa iibiyay ayaa yaqaano shirkada siisa adeegga tamarta gurigaaga cusub. Shirkadaada adeegga korontada ayaa kaa codsan doonta ciwaanka iyo lambarka taleefanka ee qofka leh koontada iyo ciwanaka guriga adeegga lagu xirayo, oo ay la socoto xog ku saabsan taariikhdaada dayn bixinta. Waydii shirkadaada tamarta marka adeega laguu bilaabi doono iyo xiliga aad dhiibayso biilka koobaad. Shirkada tamarta ayaa laga doonayaa inay biloowdo adeegga sadex maalmood oo kuwa shaqada ah gudahood markaad codsato kadib. Haddii aad dhisayso guri cusub, shirkada tamarta ayaa laga doonayaa inay xirto adeegga 10 maalmood gudahood oo kuwa shaqada ah markaad codsato kadib. Shirkada tamartu waa inay kuu sheegtaa haddii rakibida adeeggu qaadanaayo wax ka badan mudada la cayimay.

Hufnaanta daynbaxa

Kahor intaan laguu rakibin adeeg cusub, shirkadaada tamarta ayaa u baahan inay xaqiijiso masuuliyadaada dhaqaale waxayna samayn doontaa hubinta dayn bixintaada si loo hubiyo inaad tahay qof qaanta iska bixiya. Si aad ugu baasto baaritaanka shirkada tamarta, waa inaad buuxisaa mid kamid ah shuruudaha soo socda:

  • Waa inaad tahay mulkiilaha guri oo iska bixiya daynta;
  • Waa inaad koonto hore ku lahayd shirkad adeeg tamar bixisa oo tan lamid ah labadii sano ee lasoo dhaafay, iyo sanadkii hore ee adeega; waa inaan lagugu yeelan kol hore wax ka badan labo lacagood; waana inaysan adeegga kaa jaran shirkad koronto sanadkii lasoo dhaafay; ama
  • Inaad keento damiin, kaasoo ah macmiil adeeg ka hela shirkada tamarta, kaasoo bixinaaya ilaa 60 maalmood oo qarashka adeega ah haddii aad ku fashilanto inaad bixiso biilka.

Haddii aadan buuxin wax kamid ah shuruudahaan, waxaa lagaa dalban karaa inaad bixiso lacag damaanad ah si aad u hesho aqbalaada shirkada tamarta. Lacagta damaanada ah kama badan karto celceliska qiimaha 30 maalmood oo lagu daray 30 boqolkiiba. Haddii shirkada tamartu haysato damaanadaada wax ka badan lix bilood, waa qasab inay lacag dul-saar ah kugu siiso damaanada kuu taala. Kadib 12 bilood, shirkada tamarta ayaa dib u eegaysa koontadaada kadibna go'aaminaysa in damaanada laguu cesho ama lagu shubo koontada shirkada. Marka aad bixinayso lacagta damaanadda ah, shirkada tamartu waa inay kuu soo dirtaa risiid ay ku qoran tahay xogta soo socota.

  • Magaca:
  • Ciwaanka;
  • Cadadka lacagta damaanadda;
  • Lacag dulsaar ah ayay shirkada tamartu kugu siinaysaa lacagtaada damaanadda ah;
  • Mudada waqtiga lacagta damaanadda ah waa inay haysaa shirkada tamarta si ay ugu qalanto dul-saar; iyo
  • Shuruudaha soo celinta lacagtaada damaanadda ah.

Macaamiisha PIPP Plus

Macaamiisha ka diiwaan gashan Percentage of Income Payment Plan (PIPP Plus) ayaa haysta xeerar iyo difaacyo dheeraad ah oo ku aadan rakibaadda adeega. Macaamiisha PIPP Plus lagama qaadi karo lacag damaanad ah si loogu rakibo adeegga. Waxaa intaas dheer, macaamiisha hore ee PIPP Plus ee la dhaafay waqtigii laga rabay lacagtooda PIPP Plus ayaa masuul ka noqon doona bixinta lacagta PIPP PLUS kahor intaan dib loogu xirin adeeggooda.

Inta lagu jiro xiliga qaboobaha ee 2021-2022, macaamiisha u qalma ee PIPP Plus ee lagu leeyahay cadad ka badan $175 ayaa awooda in cadad kasta oo lagu leeyahay oo soo hara lagu daro qorshahooda PIPP. Si aad u hesho xog dheeraad ah, la xariir wakaalada gurmadka bulshada ee deegaankaaga ood ka helayso https://oacaa.org.

Booqo webseedka OCC oo ah www.occ.ohio.gov si aad u hesho  xaashida xogta oo aad ka helayso xog dheeraad ah oo ku saabsan adeegaaga tamarta. Kireysteyaasha ayaa booqan kara webseedka OCC si ay u helaan tusmada shirkada tamarta ee kirada www.occ.ohio.gov/content/utility-guide-renting.

Xogta Xariirka ee Shirkada Tamarta

AES Ohio (formerly Dayton Power & Light)
1-800-433-8500
www.aes-ohio.com

American Electric Power
1-800-672-2231
www.aepohio.com

CenterPoint Energy (formerly Vectren)
1-800-227-1376
www.centerpointenergy.com

Cleveland Electric Illuminating
1-800-589-3101
www.firstenergycorp.com

Columbia Gas of Ohio
1-800-344-4077
www.columbiagasohio.com

Dominion East Ohio Gas
1-800-362-7557
www.dominionenergy.com

Duke Energy Ohio
1-800-544-6900
www.duke-energy.com

Ohio Edison
1-800-633-4766
www.firstenergycorp.com

Toledo Edison
1-800-447-3333
www.firstenergycorp.com
 


 

To download: Click the folder with a down arrow icon. To print: Click the printer icon in the top right of the display.

If you need multiple copies for an organization or group, please contact a member of our outreach team.