Skip to main content

Tusmadaada Tamarta Jarista Tamarta Iyo Dib U Xirista Tamarta

energy disconnection and reconnectionKeligaa ma tihid haddii aad dhib ku qabto dhiibista qarashaadka gaaska dabiiciga ah iyo korontada. Office of the Ohio Consumers’ Counsel (OCC, Gudigga Macaamiisha ee Xafiiska Ohio), oo u doodaha danaha macaamiisha adeegyada guryaha la dagan yahay, ayaa bixinaaya xaashidaan xogta si uu ugu sheego macaamiisha xaquuqahooda iyo waajibaadkooda muhiimka ah ee arrimaha la xariira jarista tamarta iyo khayraadka kaalmada bixinta qarashka.

Xogtii ugu danbaysay ee aafada korona fayraska

Caawimaad dhaqaale oo dheeraad ah ayay heli karaan qoysaska u qalma ee kasoo daahay dhiibista qarashaadka kirada, daynta guriga, iyo/ama adeegyada guriga. Dadka reer Ohio waxay caawimaad ka codsan karaan Community Action Agency (Wakaaladaha Gurmadka Bulshada) ee deegaankooda. Booqo webseedka Deeqda Gurmadka Guryaha ee Ohio Department of Development (ODOD) si aad u hesho xog dheeraad ah. Waxaa intaas dheer, magaalooyinka ama degmooyinka qaarkood oo ku yaala Ohio ayaa baxsha caawimaada bixinta biilka oo federaal ah. La xariir magaaladaada ama degmadaada si aad u hesho xog dheeraad ah. OCC wuxuu ku boorinayaa macmiil kasta oo kasoo daaha bixinta biilalkiisa adeega guriga inuu la xariiro shirkada adeegga siisa sida ugu dhakhsaha badan si loogu sameeyo qorsheyaasha bixinta lacagta.

Marka lagu daro xaquuqaha iyo khayraadka ku qoran xaashidaan xogta, Koongareeska ayaa ansixiyay qarashaad gurmad oo kaladuwan oo kaalmo ah si loogu gurmado dadka aafada cudurku haleeshay, kuwaasoo kaalmada kirada iyo adeegga guriga u fidiya macaamiisha u qalma.

Macaamiisha waxaa lagu boorinayaa inay kala xariiraan ODOD, Wakaaladooda Community Action Agency (ciwaanka www.energyhelp.ohio.gov), wakaalada Adeegyada Shaqada iyo Qoyska, dawlada hoose, iyo gudoomiyaasha degmada si ay u waydiiyaan in la heli karo adeegyadaan iyo khayraad kale.

Jarista adeegga

Jarista adeegyada tamarta iyo biyaha ayaa dhici karta mar kasta oo kamid ah sanadka, xataa haddii dad waayeel ah ama carruur yaryar joogaan guriga. Inta badan shirkadaha adeegga ayaa leh xeerarkooda iyo habraacyadooda u gaarka ah ee jarista adeegga haddii heerkulku ka hooseeyo heer la cayimay, laakiin ma jiro tilmaan ama sharci gobal oo arintaan xukumaaya. Waxaa intaas dheer, ma jiro heerkul cayiman oo ay adeegsadaan dhammaan shirkadaha adeegga ee gobalka oo dhan: shirkad kasta waxay raaci kartaa heerkul gaar ah. Macaamiisha ayaa sidaas awgeed lagula talinayaa inay u qaataan ogaysiiska rasmiga ah ee adeeg jarista si adag, ayagoon u eegayn xiliga lagu jiro.

Waxaa jira sababo kaladuwan oo shirkadaha adeegyada korontada iyo gaaska dabiiciga ah loogu ogol yahay inay jaraan adeegga, ayna ku jiraan:

  • Ku fashilmida bixinta qarashka iyo marka shirkada adeegu raacdo habraacyada ku haboon ee ogaysiiska jarista adeegga iyo shuruudaha kale;
  • In laga guuro dhismaha ama laga codsaday in la jaro adeega;
  • Dayactir loo baahan yahay, uuna ku jiro dayactir mudaysan, ama ay jirto xaalad khatar ah; ama
  • Kharribaad ah qalabka shirkada ama jebinta xeerarka kale ee adeegga tamarta iyo biyaha. Hase yeeshee, lagaama jari karo adeegga ama laguuma diidi karo in adeegga laguusoo daayo sabab la xariirta biilal horay loogu lahaa macmiil hore oo ka guuray guriga.

Shardi dhaafka cadaynta caafimaaka

Marka jarista adeegga gurigu ay khatar gaar ah abuurayso sababo la xariira caafimaadkaaga ama caafimaadka qof gurigaaga jooga, cadayn uu bixinaayo xirfadle caafimaad oo sheegaysa in adeegga aan lagaa jarin ayaa la heli karaa muddo kasta oo dhan 12 bilood. Foomamka cadaynta waa in loo buuxiyaa kiis kasta oo adeeg jaris ah ama adeeg soo celin ah, mid kastana waa inuu shaqeeyaa 30 maalmood, waxaana laga heli karaa shirkada adeega ama xarunta caafimaadka dadwaynaha. Cadayntani waxay ka hortagaysaa daminta ama waxay soo celinaysaa adeegga 21 maalmood kadib markii la jaray adeegga xaalado jiray awgood.

Cadaymaha caafimaadka ayaa sidoo kale loo adeegsan karaa marka jarista adeegu ay shaqo gab ka dhigayso ama mid aan suuragal ahayn ka dhigayso shaqada qalab caafimaad ama taageero nololeed bixiya.

Ogaysiiska adeeg jarista

Marka aad waajahayso jarista adeegga, shuruudo gaar ah ayaa qasab ah inay raacdo shirkada adeeggu si loo xaqiijiyo inaad fursad u hesho ka shaqaynta qorshe lacag bixin aadna iskaga ilaaliso inaad waydo adeeggaaga korontada ama gaaska dabiiciga ah.

  • Waxaad haysataa ugu yaraan 14 maalmood si aad u dhiibto qarashka bil kasta. Haddii aadan bixin lacagta xiliga xiga ee biilka xiga lagaa codsado, shirkada ayaa bilaabi karta hawsha jarista adeegga.
  • Waa qasab in shirkadu ku siiso ogaysiiska ugu yaraan 14 maalmood kahor intaan la jarin adeegga. Ogaysiiskaan ayaa kasoo muuqan kara asagoo fariin qoraal ah biilkaaga ama waxaa laguugusoo diri karaa si gaar ah.
  • Shirkada korontada ama gaaska dabiiciga ah waa inay iskudaydaa inay si toos ah kuulasoo xariito kahor intaysan jarin adeegga. Wakiil ka socda shirkada ayaa awoodi kara inuu aqbalo lacagta xiligaas, laakiin qasab kuma ahan qofka inuu lacag kaash ah qabto asagoo jooga guriga. Haddii aadan guriga joogin markaas, ogaysiis qoran ayaa qasab ah in laguu dhigo meel muuqata kahor intaan lagaa jarin adeegga. Shirkadaha waajib kuma aha inay booqasho toos ah kuugu yimaadaan kahor intaysan ka jarin adeegga guri ay ku xiran tahay saacad casri ah waxaana loo ogol yahay taas badalkeed inay taleefanka ka wacaan macmiilka ama u diraan fariin qoraal.
  • Adeegga ayaa la jari karaa keliya inta lagu jiro saacadaha caadiga ah ee shaqada.
  • Macaamiisha ayaa xaq u leh in loosoo diro ogaysiis labaad toban maalmood kahor intaan laga jarin adeegga kaasoo la samaynaayo marka la joogo ama kadib Nufeembar 1 ilaa laga gaaro oo ay ku jirto Abriil 15. Shirkadu waa inay la xariirto macmiilka ama qofka kale ee wayn ee ku sugan dhismaha midkood ugu yaraan 10 maalmood kahor jarista adeegga. Xariirka ayaa lagu samayn karaa si toos ah, khadka taleefanka ama ogaysiis qoraal ah oo toos loogu geeyo qofka. Tani waxay siinaysaa waqti dheeraad ah oo macmiilku uga shaqeeyo qorshe uu lacagta ku baxsho.

Qorsheyaasha lacag bixinta

Shirkadaha adeegga waxaa lagu boorinayaa inay kula dejiyaan qorshe waqti kordhin ah oo aad lacagta ku bixinayso. Haddii aad wajahayso adeeg jaris aadana heli karin qorshe gaar ah oo lacag bixin ah, shirkadaha korontada iyo gaaska dabiiciga ah waa inay diyaarshaan qorsheyaasha soo socda ee lacag bixinta.

  • Qorshe ah "sagaal meelood hal meel", "lix meelood hal meel", ama "sadex meelood hal meel" midkood.
  • Qorshaha sagaal meelood hal meel ayaa u sahlaaya macaamiisha inay baxshaan sagaal bilood lacag is le'eg si ay u gudaan daynta lagu leeyahay waxayna gelinaysaa qorshe miisaaniyadeed. Qorshaha miisaaniyada waxaa lagu saleeyay sagaal ama 12 bilood xisaabtood waana la kordhin karaa marka loo baahdo inta lagu jiro mudada sagaalka bilood ah.
  • Qorshaha lix meelood hal meel wuxuu u sahlayaa macamaiisha inay baxshaan lacagta lagu leeyahay muddo lix bilood ah gudahood. Macaamiisha qorshahaan ku jira waxaa laga doonayaa inay baxshaan biilkooda bishaas, iyo lix meelood hal meel kamid ah baaqigii lagu lahaa.
  • Dhammaan shirkadaha sharciga hoos imanaya ee korontada iyo gaaska dabiiciga ah waxaa laga doonayaa inay baxshaan qorshaha sadex meelood hal meel inta lagu jiro xiliga kuleeliyaha la adeegsado ee qaboobaha (Nufeembar 1 – Abriil 15). Qorshaha sadex meelood hal meel wuxuu u sahlayaa dadka guryaha dagan inay baxshaan sadex meelood hal meel baaqiga guud ee lagu leeyahay bil kasta (lacagta hore ee lagu lahaa oo lagu daray lacagta bishaas) inta lagu jiro xiliga qaboobaha ee kulayliyaha la isticmaalo. Cadad kasta oo horay loogu lahaa macmiilka kadib xiliga qaboobaha ayaa dib loo xisaabin karaa ayadoo la adeegsanaayo midkood qorsheyaasha sagaal meelood hal meel ama lix meelood hal meel.
  • Qorshaha Lacag bixinta Boqolkiiba Dakhliga Plus (PIPP Plus) - Waa barnaamij sanadka dhan socda kaasoo u sahlaaya macaamiisha dakhli ahaan u qalma inay baxshaan boqolkiiba cadad kamid ah dakhliga soo gala bishii halkii biilka lagu salayn lahaa isticmaalkooga dhabta ah. Qoysaska uu soo galo dakhli dhan ama ka hooseeya 150 boqolkiiba heerarka dakhliga ee federaalka ayaa u qalma. La xariir Wakaalada Community Action Agency ee deegaankaaga (CAA) si aad iskaga diiwaan geliso Barnaamijka PIPP Plus (si aad u hesho meesha aad kala xariirayso CAA ga deegaankaaga Ohio Department of Development (ODOD) ood ka wacayso 1-800-282-0880 ama booqo www.energyhelp.ohio.gov).

Barnaamijyada kaalmada

  • HEAP (Home Energy Assistance Program) – Wuxuu baxshaa lacag halmar la baxsho oo ku aadan qarashaadka korontada ee xiliga qaboobaha oo la siiyo macaamiisha leh dakhli qoys oo dhan ama ka hooseeya 175 boqolkiiba heerarka dakhliga ee federaalka.
  • Winter Crisis Program – Oo horay loo oran jiray E-HEAP ama Emergency HEAP, barnaamijkaan wuxuu siiyaa macamaiisha kaalmada tamarta halmar xili qaboobe kasta lana siiyo qoysaska u qalma ee laga jaray ama waajahaaya adeeg jarista si dib loogusoo cesho adeegooda ama loogusii wado. Winter Crisis Program waxaa la heli karaa laga bilaabo Nufeembar 1 ilaa Maarso 31 wuxuuna raacaa isla heerarka dakhliga ee barnaamijka caadiga ah ee HEAP.
  • Inta lagu jiro xiliga qaboobaha ee 2021-2022, u qalmida barnaamijka Winter Crisis Program ayaa la balaarshay si loogu daro qoysaska ay u joogaan dadka laga helay COVID-19 12 bilood ee lasoo dhaafay.
  • Summer Crisis Program – Ayadoo ku xiran helitaanka lacagta, Summer Crisis Program ayaa siiya adeegyo qaar kamid ah macaamiisha dakhli ahaan u qalma inta u dhexaysa Luuliyo 1 iyo Agoosto 31.
  • Qaar badan oo kamid ah shirkadaha korontada iyo gaaska ayaa baxsha kaalmadooda gaarka ah ee tamarta oo mararka qaar loo yaqaano 'lacagta shidaalka'. Akhri Xaashida Xogta ee Lacagta Shidaalka ee OCC (https://bit.ly/OCCfuelfunds) si aad u hesho xog dheeraad ah ama wac shirkadaada tamarta oo waydii haddii ay baxshaan lacagta shidaalka ee kaalmada tamarta.

Dib u xariirinta adeegga

Haddii aad u sheegto shirkada adeegyada gurigaaga aadna bixiso lacagta lagugu leeyahay iyo qarashaad kasta oo kale oo dib u xiriirinta adeegga ah, waa in adeegga laguusoo ceshaa isla maalinta shaqeed ee xigta gudaheed. Waxaad codsan kartaa in adeegga dib laguugu xariiriyo isla maalinta haddii aad bixisay lacagta, shirkada adeeggana aad u sheegtay kahor 12:30 g.d. Haddii aad go'aansato inaad lacagta ku bixiso meel lacag bixin sharci ah, waa inaad u gudbisaa lambarka gaarka ah ee risiidka shirkada adeega si laguugu sii daayo adeegga isla maalinta ama maalinta xigta. Liiska goobaha lacag bixinta ee sharciga ah ayaa laga heli karaa shirkadaada adeegga. Dib u xariirinta isla maalinta ayaa sidoo kale u baahan karta inaad aqbasho bixinta qarashaad kasta oo dheeraad ah si loogu daboolo shaqo kasta oo ay tahay in la qabto saacadaha shaqada kadib.

Haddii adeegaagu jarnaa wax ka badan toban maalmood oo shaqo, shirkada adeegga ayaa kuu tixgelin karta macmiil cusub oo kale oo:

  • Dibna kuugusoo celinaysa adeegaaga gaaska dabiiciga ah shan maalmood gudahood.
  • Dib u xariirinaysa adeegaaga korontada sadex maalmood gudahood.
  • Qarashaadka dib u xirista adeegga ayaa lagaa qaadi karaa.

Qarashaadka dib u xariirinta

  • Shirkadaha adeegyada tamarta ayaa kaa qaadi kara qarashka dib u xariirinta. Caadiyan, qarashkaan ayaa u dhexeeya $15 iyo $52. Waxaa sidoo kale lagaa dalban karaa inaad bixiso qarash damaanad ah. Qarashkaan damaanada ah kama badan karo qiyaasta qarashka halka bil oo lagu daray 30 boqolkiiba.
  • Winter Reconnection Order (WRO, Nidaamka Dib u Xariirinta Xiliga Qaboobaha) - Wuxuu u sahlayaa macaamiisha shirkadaha adeegyada tamarta ee uu leeyahay maalgashade inay iska ilaaliyaan jarista adeegga, ama in dib loogu xariiriyo adeegga, ayagoo bixinaaya $175 kamid ah wadarta guud ee lagu leeyahay, iyo lacagta dib u xirista oon ka badnayn $36  (haddii lacagta dib u xiristu ka badan tahay $36, cadadka soo haray waxaa lagu dari karaa biilka xiga ee macaamiisha). Adeegaan waxaa la adeegsan karaa halmar xili kasta oo qaboobe ah, caadiyan inta u dhexaysa bartamaha Oktoobar iyo bartamaha Abriil. Dhammaan macaamiisha korontada iyo gaaska dabiiciga ah ee ay u adeegaan shirkadaha adeegyada ee maalgashadaha kuwaasoo buuxsha shuruudaha kore ayaa u qalma inay adeegsadaan WRO ayadoon laga eegayn dakhligooda. Macaamiisha dakhli ahaan u qalma ee adeegsada dookhaan ayaa sidoo kale adeegsan kara lacagaha Winter Crisis Program si ay iskaga baxshaan $175 waana inay sidoo kale iska diiwaan gashaan HEAP ayna iska diiwaan gashaan qorshaha lacag bixinta ee cadadka soo haray ee lagu leeyahay.
  • Inta lagu jiro xiliga qaboobaha ee 2021-2022, macaamiisha u qalma ee PIPP Plus ee lagu leeyahay cadad ka badan $175 ayaa awooda inay adeegsadaan WRO iyo in cadad kasta oo lagu leeyahay oo soo hara lagu daro qorshahooda PIPP.

Xog Dheeraad ah

Home Weatherization Assistance Program (HWAP, Barnaamijka Caawimaada Cimilada Guriga) ayaa bixisa maal gelinta kormeerada iyo dayactirada joogtaynta tashiilida tamarta guriga ee u kaydin kara macaamiisha tamarta iyo lacagta.

Wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan HWAP, WRO ama si aad xog dheeri ah uga ogaato PIPP Plus iyo HEAP, macaamiisha ayaa booqan kara webseedkeena oo ah www.occ.ohio.gov si ay u helaan xaashiyadeena xogta ee hadda. Macaamiisha ayaa kala socon kara OCC barta Twitter @OCC4Consumers. OCC ma maamusho wax barnaamijyada kaalmada tamarta ah.

Xog ku saabsan barnaamijyada kale ee kaalmada maxaliga ah ayaa laga heli karaa inaad la xariirto Wakaalada deegaankaaga ee Community Action Agency (CAA). Si aad u hesho CAA ka shaqaysa deegaankaaga, degmo ahaan uga raadi barta www.energyhelp.ohio.gov.

Macaamiisha ayaa sidoo kale la xariiri kara Public Utility Commission of Ohio (PUCO, Gudigga Adeegyada Tamarta Dadwaynaha ee Ohio) si ay wax uga waydiiyaan barnaamijyada kaalmada tamarta ama ay u helaan caawimaad ku aadan xal u helida khilaaf ama cabasho ay ka qabaan shirkad bixisa adeegga tamarta. La xariir

PUCO ood ka helayso 1-800-686-7826 ama ciwaanka puco.ohio.gov. PUCO ayaa maamusho barnaamijka PIPP Plus ee gaaska dabiiciga ah.

Waxaa lagugu boorinayaa inaad la xariirto Ohio Department of Development (ODOD) ood ka wacayso 1-800-282-0880 ama booqo webseedkooda oo ah www.development.ohio.gov. ODOD ayaa maamusha HEAP iyo Barnaamijyada korontada ee PIPP Plus.

Maamulka Kaalmada Korontada

Xogta Xariirka Shirkada Adeegga

 


 

To download: Click the folder with a down arrow icon. To print: Click the printer icon in the top right of the display.

If you need multiple copies for an organization or group, please contact a member of our outreach team.